Video+Sawiro:Masuuliyiin isbitaalka ku booqday gabar loo geystay gubis iyo garaacis

wasiir

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxay ku booqdeen Ubax Ibraahim Cabdullaahi, waxaana la joogtay  Hooyadeed oo dhaawaceeda loogu geeyey Gobolka Gedo oo markii horaba gabadhaan ay ku soo kortay.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaalaa dhibaatooyin isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray muddo sil silad sida ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Qoyska Ubax ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyada ku yaala jirkeeda ay yihiin kuwa dhammaan uu wada dhaawacanyahay oo ay kula kacday haweeney uu u geeyey Aabaheed, taas oo si arxan daro ah nolosha ugu ciqaabtay dhibane Ubax.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Ubax oo dhibane u ah dhaawacyo ay u geysteen dad ehelkeeda ah inay heli doonto cadaalad, isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii ka dembeeyey falkaan ka baxsan beni’aadannimada

Ugu dembayntii howlgal ay ka sameeyeen ciidamada amaanka ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkaan xanuunka badan ee la gula kacay Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.