Video+Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo farxadda ciidda la qaatay Ciidanka Xoogga Dalka

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Al-shabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda.

“Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.