Wasiiro:Wasiir Fowziya oo booqatay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir

Wasiir

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta booqatay isbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir si ay ugu kuur gasho xaaladaha bukaanadii ay shalay wax ka soo gaareen qaraxii ka dhacay aaga isgoyska Banaadir. kaas oo dad ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen. isbitaalka Banaadir ayaana u fidiyay qaar ka mid ah bukaanada xaalad Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhanka kale kormartay qaybo ka mid ah isbitaalka oo uu soo gaaray bur bur xoogan oo qaraxu sababay.

Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa ka tacsiyaysay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxa, waxaana ay caafimaad deg deg ah u rajeysay bukaandii ay ka soo gaartay waxyeelada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.