Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo  ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii uu Marxuumku u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyed iyo doorkii uu ku lahaa difaaca dalka oo uu ku muteystay Billad Geesi, taas oo tusaale wanaagsan u ah muhiimadda ay leedahay u shaqeynta dadkaaga iyo dalkaaga, isaga oo burbarkii kaddib door ka soo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Runtii waa geeri murugo  leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Cali Diiriye oo muddo dheer si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka”.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.