QoorQoor oo Gaalkacyo u Yimid Tacsi dad ka Badan 50 Ruux iyo Xil ka qaadista Fiqi

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdikaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Gaalkacyo u yimid inuu Tacsida kala qayb qaato bulshada Mudug oo in ka badan 50 ruux oo isugu jira Shacab iyo askar kuwaas oo 27 Juun lagu dilay Weerar ay Argagixisada Alshabaab ku qaadeen Deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhow jeer Gaalkacyo u yimid Tacsida Saraakiil, Shacab, iyo dilkii allaha u naxariistee Shiikh Cali Axmed Faarax ( Shiikh Cali Dheere ) wuxuuna Qoorqoor Gaalkacyo kaga qeyb galay aaska Shiikh Cali Dheere.

Bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa Mudug ayaa Madaxwayne qoorqoor ka codsadeen in labadalo Wasiirka amniga Galmudug Axm Macalin Fiqi.

calidheere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.