Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya oo la Shaaciyey

Calanka Soomaaliya

Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada.

https://www.facebook.com/plugins/video.php?height=314&href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FOPMSomalia%2Fvideos%2F239821634314866%2F&show_text=false&width=560&t=0

Jadwalka Doorashada

  1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Guddiyada Doorashadda (30 June – 05 July 2021)
  2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
  3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada (23 July 2021)
  4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
  5. Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
  6. Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
  7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

– Goluhu oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.