Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

rooble

Shirka golaha wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ayaa maanta oo isniin ah ka furmaya magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayo  Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa la isaga wareysanayaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Muqdisho, halka madaxweynaha Hirshabeelle oo dalka dibadiisa ku maqan uu uga qeyb galayo aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod  doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa soo saaray liiska Guddiyada doorashooyinka heer federaal, Heer dowlad goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.