Qoorqoor oo Loogu Baaqay in xilka kaqaado Fiqi Madaama uu ku Fashilmay Amniga Galmudug

qoorqoor

Waxaa isi soo taraya Baaqyada ka imaanaya Bulshada Galmudug Qaybaheeda Kala gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug kaas oo laga Codsanayo Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye inuu xilka kaqaado wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin fiqi Madaama uu ku fashilmay wax ka qabashada Amniga Galmudug.

Deegaano Badan oo Ka tirsan Galmudug gaar ahaan Gobolka Mudug ayaa waxaa qabsaday Maleeshiyaadka Alshabaab waxaana Barakac iyo dil loogu gaystay Shacabk iyo Ciidamo ka tirsan Galmudug iyo dowlada federaalka ah.

Dagaalkii ugu dambayeey ayaa waxuu ka dhacay Deegaanka Wisilee Gobolka Mudug kaas Qasaaro loogu gaystay Dad Shacaba iyo Ciidamada Xooga waxaana dhaawacoodii loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku booqdeen Maanta Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Galmudug.

Xafiiska Qaramada Midoobay arrimaha bani’ aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kooban ka soo saaray dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana warbixintaas lagu sheegay in dagaalkaasi Gaystay khasaare ay ku barakaaceen kumanaan ruux oo shacab ah.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaanan imaan Degaanada Galmudug waxuuna kusugan yahay Magaalada Muqdisho Halkaas oo ku mashquulsan yahay Wax ka sheegida Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.