Sawiro:Salaad Cali Jeele oo Jabuuti uga Qayb Galay Shirka Wasiirka Maaliyada Afrika

salaadcalijeele

Safiirka Soomaaliya ee dalka Djibouti Salaad Cali Jeelle ayaa ka qeyb-galay shirka wasiirrada maaliyadda ee wadamada Geeska Afrika, waxaa sidoo kale shirkaas ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxa looga hadlayay hormarinta is-dhexgalka ganacsiga ee dalalka Geeska, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray dhismaha wadooyin isaga kala goosha guud ahaan dalalka gobolka.

Si gaar waxaa looga hadlay sidii Geeska Afrika looga hir-gelin lahaa qadad Tareen, oo muhiim u ah fursadaha ganacsi ee gobolka.

Shirkii maanta waxaa uu daba socday shir sanadkii hore lagu qabtay dalka Jabuuti, kaas oo looga hadlay arrimaha is-dhexgalka ganacsiga ee dalalka Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.