Sawiro:Madaxwayne Deni oo soo gaaray Muqdisho

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhoweeyay .

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Xukuumadda Fedaraalka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta Doorashooyinka Dalka, kaas oo ay yeelanayaan Golaha wadatashiga doorashooyinka dalka.

Horay waxaa Magaalada Muqdisho u soo gaaray, Madaxweynayaasha Dowlad gobaleedka Jubbaland iyo koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale saacadaha soo socda lafilayaa in ay  imadaan Madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Galmudug.

Shirka ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.