Boqor Burhaan oo ka horyimid in la Joojiyo Gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha

boqorka

Boqor Burhaan Boqor Muuse OO Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Qardho ayaa si cad uga horyimid go’aan dhawaan ka soo baxa Golaha wasiirada Puntland kaas oo ahaa in la joojiyo Gudniinka Gabdhaha.

Boqor Burhaan ayaa sheegay in uusan Go’aankaasi ahayn mid sax oo islamarkaan looga baahan yahay cidii keentay in ay dib uga laabto.

Wixii ka hor imanaya Nas ,Xadiis iyo Aayadan mahan waxaan Aqbalayeno wixii ku jiray ama keenay qorshan haka baxdo oo ilahay how toobad keento, Dadka Reer Puntland waa dad diintood jecel oo aan waxba ku badalan karin ,Gabdhahoodana iyaga ayaa dhalay mana jirto cid u gacan dhaafaysa ee cidd wadadata qorshahan yasan ku aakhro seegin”

dhinaca kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Golaha Baarlamaanka Puntland ugu baaqay in ay ka fiirsadaan go’aanka lagu joojinayo Gudniinka Gabdhaha ee dhawaan ka soo baxay Golaha wasiirada Puntland .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.