Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka oo hambalyo u diray shacbiga Maamulka Soomaaliland

mahdi

Iyadoo beri oo 31 May ah, Soomaaliland ka bilaaban doonto doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka, ayaa maanta waxaa dhambaal hambalyo iyo dardaaran ah u direy shacabka Somaliland, Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khada).

“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31 May shacab weynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimada ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yiri Guuleed.

Hal Milyan oo qof iyo in kabadan ay u dareeraya in si xora ay codkooda u dhiibtaan 246 Xildhibaanno oo sadexda xisbi ka kala sharaxan ee golaha wakiilada iyo 521 xildhibaana oo ka socoda golayaasha deegaanka oo ilaa 767 musharax ay ka qeb-qaadan doonaan iyadoo sadex kun oo gooboodna cod bixineedna ay ka dhici doonto oo ka mida 22 degmo oo satuuqyada cod bixinta la gayndoono.

Ugu danbeentii Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khada) ayaa bulsha weynta Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay cashar ka bartaan bulshada Soomaaliland oo doorashada 2025 ay si xor ah ay ku soo doortaan xildhibaankii ay doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.