Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug oo shaacisay in la dhamaystiray Golihii degaanka Balanbale

waayeel

War Qoraala oo ka soo baxay Wasarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib uheshiinta Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in la dhameystiray dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Warkaan kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha galmudug ayaa sidaan u qornaa.

“Wasarada arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib uheshiinta Galmudug oo muda dheer ku hawlaneed Daadejinta Maamulka iyo dhamaystirka Dhisida Dowladaha hoose ee golayaasha Degaanka Degmooyinka oo ay hore ugu guleysatay Degmada Galkacyo Sanadki lasoo Dhaafay.


waxaa sharaf wayn u ah wasarada arrimaha gudaha in ay Maanta ku guuleysatay Dhamaystirka Golaha Degaanka Degmada Balanble oo mudo dheer wasaradu ku hawlaneed dhamaystirkooda.


wasaaradu waxay u hambalyeynaysaa Dhamaan Shacabka Dowlad goboledka Galmudug gaar ahaan Shacabka Degmada Balanble oo muujiyay Dhabar adeeg.
sidokale wasaradu waxay sida ugu dhaqsiyada badan dhamaystiri doontaa Degmooyinka Dhusmareb,Cadaado,Hobyo iyo Cabduwaq sedexda Bil ee soo socota Hadi ale idmo.
Dhamaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.