Daawo:Ra’iisalwasaare ku-xigeenka oo daah furay imtixaamka shahaadiga ee Dugsiyadda sare

mahdi

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkaan ay galayso ardey gaareysa 42 kun.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah u rajeeyay inuu guul ugu soo dhammaado imtixaanka.

Sidoo kale, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Abuukar Xaaji, ayaa sheegay in imtixaanka dugsiyaddaa sare ee maanta ka bilowday dalka lagu geli doono 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa dowr muhiim ah ka qaadanaya sugida amniga guud ahaan goobaha imtixaamka lagu galayo iyo ardayda intaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.