Qoorqoor oo Talyaaniga ka codsaday Dhaqaalo Galmudug lagu hormariyo

Qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee dowladda Talyaaniga ka wado deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Danjiraha ayaa madaxda Galmudug u xaqiijiyay in dowladda Talyaaniga sii xoojin doonto teegerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Safiirka iyo ku xigeenkiisa uga mahadceliyay garab istaaga dowladda Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed ee deegaanada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.