Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan ku aadan shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

bashiir

Qeybaha kala duwan ee dalladaha culimada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay shirka golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo Muqdisho maalintii saddexaad uga socda Ra’iisul wasaaraha XFS,Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa garab istaag u miijiyay shirka, iyagoo bogaadiyay dadaallada Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda,waxeyna ka rajeeyeen shirka guul iyo wax dan u ah maslaxada dalka.

Ugu dambeystii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ka kooban afar qodob, waxaana warbaahinta u akhriyay Xoghayaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Muuse Axmed Ciise.

Bayaanka culimada Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan shirka Golaha wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha doorashada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.