Shirka wadatashiga doorashooyinka oo maanta Muqdisho ka furmaya

Doorashada

Shirkii Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Muqdisho.

Waxaa soo xaadiray inta badan Madaxda ka qeyb galeysay shirka,  marka laga reebo Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabelle mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo goor dhow soo gaari doona madasha.

Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxuuna shirka ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay ee looga arrinsanayay doorashooyinka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.