Soomaalidu Maxay Xumaha Ujeceshahay Wanaagana u Necabtahay? W/Q Jimcaale

idiris

Waxaan su’aashaan u soo qaatay markii aan arkay war uu baraha bulshada soo dhigay Shiikh Maxamed Idiriis oo ay haddana igu soo duxdey hadalkii muuse Suudi, dibna aan u milicsaday jid gooyooyinkii ay qaybo Xamar ka mid ah ka sameysteen kooxiiinhii shisheeyuhu soo abaabuley iyo kuwii masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta sheeganaayey oo af iyo adinba abaabulayey in dhammaan wixii aan qabsanay burburkii ka dib la baabi’iyo dalka oo lagu celi hoogii iyo haantooleeydii dhacday  1991kii. 

Waxaan wada ognahay in ay jiraan odayaal, siyaasiyiin iyo wadaado cadawga dalku adeegsado si ay dadka u marin habaabiyaan ,kuwaas oo xoogaa nacfiya dhaafsada Diinta,dalka iyo dadka si  ay u shidaan dabka qabyaalada oo in deg deg loo ololiyo ay aad u fududahay Soomaalida  dhexdeeda,waana wadada keliya ee mar kasta looga dhex adeegto bulshadayada,haddaba aan xoogaa idiin soo bandhigo inta aanan dulucda u dhaadhicin.

Isla maanta waxaan daawaday wiil Reer Falastiin ah,malaha waa lix ama todoba jir ,wuxuu gacmaha ku wataa dhagxaan,wuxuu ka soo horjeedaa askar Yuhuud ah oo hubaysan wuxuu leeyahay (HALKAAN WAA QUDUS WAXAA KU DHINTAY AWOOWGAY IYO AABAHAY OO KU SHAHIIDAY ANIGANA WAAN KU DHIMANAYAA).

Isla maanta waxaan daawday wiilal aan da’da labaatanka gaarin oo hubeysan oo ay horkacayaan odayaal da’dooda aan ku qiyaasay 60 ilaa 70 sano, waxay gubayaan tuulo aan saas uga fogayn Jowhar, hawshaas odayaasha baa dhiiragelinaaya oo leh waa tuuladii reer hebel ee guba kuna tilmaamaya guul ,dhalinyarada yar yarna waa fulinayaan ayaga oo weliba aad u faraxsan,markaas waxaan is weydiiyey farqiga u dhexeeya caruurta Reer Falastiin iyo tan Soomaalida marka laga eego Diinta wadaniyada iyo bani,aadanimada, ogaada dhalinyaradu eeda ma leh ee ninba wixii awoowgi iyo aabihi bareen buu fuliyey.

Shiikh Maxamed Idiriis wuxuu tibaxaay is jiid jiidkii sagaalka bilood ee doorashada iyo in  taladii hadda resulwasaaraha gacanta ugu jirto asaga oo u sarbeebanaaya in wadadii dawladu ku socotay uu ka leexdo,kana leexanaaya in uu ka marqaati furo halka sartu ka quruntay ,laba is haysa ninkii u cadaalad fali  waaya waa og yahay waxay diintu ka qabto, muxuu ku bedeshey akhristayaal? Fadlan  haddii  aad wax noo shegisid caddee warkaaga sida shiikh Cabdi Xirsi, Shiikh cabdixayi ,Shiikh Bashiir iyo Shiikh Cali Wajiis, ugu danbayn qabyaaladi ninkeedii la hartay adduun iyo aakhiraba nin aduunyo eexiyey iskaba daa warkiisa.

Wabilaahi Towfiiq.

W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.