Madaxwayne Laftagareen oo Dhanbaal hambalyo ah u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa Dhambaal Hambalyo u direy Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa reer koonfur galbeed uguna hambaleeyey xuska sannad Guuradii 78-aad ee aasaaskii Ururkii Gobonimo doonka ee SYL

. “Waxaa munaasabadda sannad Guuradii 78-aad ee aasaaskii Ururkii Gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL ugu Hambalyeynayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Koonfur Galbeed.Waxaan ku boorinayaa dhalinyarada in ay Gacmaha isqabsadaan una shaqeeyaan si wadajir ah si dalka iyo Dadkaba hormar ugaaraan ayna ku deydaan 13-kii Ururkii Gobonimo doonka ee SYL.

“Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimada maanta ay Xambaarsantahay iyo Doorkii ay ka qaateen Dhalinyaradii SYL Dowlad Dhiska,ka qeybqadashadii Hormarka Dalka,iyo ka Xuroowidii Gumaystiyaashii isagoona dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaan Dhalinyarada koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay iyagana Doorkooda lamid ah kuwii SYL ay ka qaataan Hormarka iyo Geedisocodka Dowladnimada Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.