Daawo:Somaliland oo sheegtay inaan Beelaha Hawiye codeyn karin maadama aysan Somalilander ahayn

muse

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ka hadashay cida xaq uleh inay u codeyso doorashooyinka Somaliland waxayna sheegtay inaan Beelaha Hawiye ka codeyn karin dalka maadama aysan ahayn Somalilander.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Naasir Caydiid maxamed ayaa sheegay inay codeyn karaan dadkii deganaa Somaliland wixii ka horeeyay 1960-kii Soomaali iyo Xabash.

Maalmo ka hor bay ahayd markii odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha hawiye ay shir ku qabteen Magaalada burco ee Gobolka Togdheer kaas oo ku taageerayaan Musharaxiinta kala ah Suldaan Jaamac Iyo Cabdilaahi Yusuf.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.