Sawiro:Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Axmed Cabdi kaariye Qoor-qoor iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa Galabta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka mudug.

Wafdiga Madaxweynaha oo kasoo Ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb waxaa Afaafka hore ee Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweyay Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cismaan Cabdulahi Maxamed (kaniif) oo galinkii hore ee maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Gaalkacyo ka bilaabaya kulamo uu la qaadanayo Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo Waxgaradka Gaalkacyo Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.