Dowladda Somaliya oo taageertay in Falastiin ay hesho dowlad madax banaan

calan

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balaal Maxamed Cusman, ayaa maanta oo Talaado ah ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn, kaasi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga.

Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah

Mudane Balaal Cusman oo matalayey Dalkeenna ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxa ay aheyd sida tan:-

Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Guddoomiyaha kalfadhiga hadda socda
Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.
Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh.

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeenna deg-deg ah ee heer Wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowladda walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin. Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hoggaansanaanta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeenna, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee ummaddeena Carabta ah la soo dersaya.
Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.