Video+Sawiro:Shirkad qaabilsan dhismaha waddada Jaale Siyaad oo Lacag lagu wareejiyey

Cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shirkadda dhismaha Kulmiye ku wareejiyay qeyb ka mid ah lacagta dhismaha waddada Jaale Siyaad oo dhaxmarta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, lacagtaas oo ay iska kaa shadeen bulshada labada degmo ku nool.

Munaasabadda lacag wareejinta ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada, maamulada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, Guddoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliyeed iyo guddiga dhismaha waddada Jaale Siyaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.