Shabaab oo Jab loogu Gaystay Hiiraan

dagaal

Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah  argagixisada Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay ciidamada Xoogga waxay ku baacsadeen maleeshiyada Al-Shabaab oo halkaas dadka marasta ah ku dhibaateynayay.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Qalabka sida ayaa wada howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab oo caadeystay in ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.