Rooble oo cambaareeyay weerarkii lagu dilay Saraakiisha Booliiska

rooble

Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay weerrarkii kooxaha argagaxisada ah Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Booliska Degmada Waaberi

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi. Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta ku dhimatay qsraxa Alle uga baryay in uu u naxariisto, dhaawacyadana Allle bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.