Wasiir Duube oo beeniyay inay kulmayaan Farmaajo iyo Uhuru Kenyata

wasiir

Wasiirka Warfaafinta JFS mudane Cismaan Abokor Dubbe oo qoraal ka soo saaray warar been abuur ah oo sheegayay in Doxa ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata si loo dhamaystiro soo celinta xiriirka labada dal iyo in laga wada hadlo Dacwadda Badda ee go’aankeeda ICJ laga sugayo.

Wasiir Dubbe ayaa yiri “Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka sheqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar. Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.”

Hadalka Wasiirka ayaa yimid xili Baraha Bulshada ay qabsadeen warar sheegayay kulan ay yeelan doonaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya si ay uga wada hadlaan Dacwadda badda, taa oo Soomaaliya ay marar badan caddeysay in aysan wada xaajood ka gali doonin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.