Sawiro:Ciidamada Dowlada oo ku baxay Beelo ku dagaalamay Hiraan

dagaal

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,  gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa kala dhexgalay laba maleeshiyo beeleed oo dagaal  uu ku dhexmaray deegaanka Baladu Nuur  oo hoos yimaado magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Bilowga dagaalkan ayaa salka ku hayay sheegashada lahaanshaha dhul beereed halkaas ku yaalla.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Ciidanka Xoogga Dalka  kornayl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, ayaa sheegay in la kala qaaday Maleeshiyaadkii dirirtu ay dhexmartay, islamarkaana Deegaanka hadda uu nabdoonyahay.

Waanwaan labada dhinac ah ayaa hadda socota waxaana ammaanka Deegaanka lagu dagaalamay ee Baladu Nuur iyo Dabaan oo dhamaantooda hoostaga Deegaanka Haarcadeey oo qiyaastii 7km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyn la wareegay Ciidamada Xoogga dalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka waxaana baaqyo isdaba joog ah kasoo saaray waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka waxaana baaqyo isdaba joog ah kasoo saaray waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.