Madaxwayne Mustafe Cagjar oo Furay Warshad Samaysa Oxygen

cagjar

Xafladda daah-furka warshadda Oxygen ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxwayne ku-xigeenka Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr. Yuusuf Maxammed iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo xafladdani ka hadlay ayaa sheegay in warshaddani ay dabooli doonto baahidii balaarnayd ee loo qabay si loogula tacaalo cudurka karoona fayris.

Madaxwaynaha ayaa xusay in xukuumaddu ahmiyad balaaran ay siisay qaabkii looga hortagi lahaa xanuunka saf-marka Covid-19, bulshadana kula dar-daarmay in ay qaataan awaamiiraha lagaga hortagayo caabuqa.

Warshaddani oo ay ku baxday 35 Milyan oo Birr ayaa maalintii oo kaliya soo saaraysa illaa 200 oo haamood (“sillender” ) sida ay sheegeen masuuliyiinta Xafiiska Caafimaadka, Horey waxaa haamaha oksajiinta loogu doonan jiray magaalada Addis Ababa oo u jirta Jig-jiga masaafo dhan 622.5 KM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.