Guriga QoorQoor oo Dowlada iyo Mucaaradka heshiis ku gaareen

Qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoygiisa Muqdishu ku marti geliyay kulan gaar ah oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo warbixin looga dhageystay Guddigii farsamada ee Talabixinta ee dhawaan Ra’iisul wasaaruhu magacaabay ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Sh. Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Md. Cabdirahman Cabdishakuur.

Ugu danbeyntii, Guddiga farsamada saxaafada ka hor akhriyay war saxafadeed.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.