Mareykanka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxwayne farmaajo iyo Baarlamaanka Sooomaaliya

safiirusa

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey go’aanka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, si dalka uu u galo doorasho.

Bayaan ay soo saaraan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayay ku taageereen go’aanka Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen go’aanka Madaxweynaha dalka uu hirgelinta iyo Amniga doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aanka Xildhibaannada Golaha shacabka ay Maanta ku ansixiyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17- September

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.