Madaxwayne Farmaajo oo Arimaha Dorashada iyo Amniga ku wareejiyey rooble

farmaajo

Madaxweynaha Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbadey Golaha Shacabka in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September 2020 madaxda dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada ku gaareen magaaladda Muqdisho.

Golaha shacabka ee Soomaaliya oo u codeeyey in dib loogu laabto doorashadii dadbaneed iyo heshiiskii 17-Septembar ee 2020, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka codsaday waxaana u codeeyey 140 Mudane.

Madaxwayne farmaajo ayaa barlamaanka ka sheegay sidaan “Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiiskaas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baxada weyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.