Cabdi Xaashi oo soo dhaweeyey go’aankii Galmudug iyo HirShabeelle

aqalka sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay ku cadeeyeen mowqifkooda doorashada.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiu Xaashi soo dhaweeyey qoraalkii ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ku baaqayey in dalka doorasho loo jiheeyo.

“Guddooniyahu waxa uu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxuuna ku boorinayaa dhammaan mas’uuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed, si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.