Sawiro:Taliyaha Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil ciidan oo ka kala yimid Maamul Goboleedyada

boliis

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo tababar u soo xiray askar iyo saraakiil ka tirsan qeybta Isgaarsiinta Ciidanka Booliska oo ka kala socday dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa muddo 10 cisho ah qaadanayay tababar la xiriirta dhanka Isgaarsiinta, kuwaasi oo wax badan ka fahmay hannaanka loo adeegsanayo qalabka Isgaarsiinta.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa kula dar daarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’iideeyaan ciidamada booliska ee ku sugan goobaha ay ka yimaadeen, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay tababar ku qaateen qalab casri ah oo loo adeegsan doono dhanka Isgaarsiinta.

Saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa gaba gabadii la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaysa waxyaabaha ay barteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.