Sawiro:Fiqi intuu ku mashquulsanaa Farmaajo ayaa Shabaab la Wareegay Bacaadweyne

Fiqi

Argagixisada Al-shabaab ayaa qabsaday degaanka Bacaadweyne ee Konfurta Gobolka Mudug kaas oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Waxaa degaankan muddo dheer ku dagaalamayey ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo ka hortaagnaa Alshabaab waxaana la sheegay inay isaga baxeen ciidamadii dowladda, taasoo keentay inay si fudud ula wareegaan Al-Shabaab.

Xarumihii Maamulka Galmudug iyo xeryihii ciidamada ee degaanka Bacaadweyn ayaa waxaa buux dhaafiyey Al-shabaab sida ka muuqata sawirada, iyadoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug kuna saabsan sababta ay uga baxeen degaankaasi oo muddo dheer laga difaacayey Al-shabaab.

Waxaana la ogayn meesha ay ku danbeysay Howlgalkii La Dagalanka ee Wasaarada Amniga Galmudug ka waddey Bacaadweyne ee Xoolaha Looga Aruursadey dadka degaanadaas, Waiirka Amniga Galmudug ayaa waxaa waqtigiisa ku dhameeyey qoraalo wax kaga Sheegayo Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.