Shiinaha iyo Soomaliya oo kawada hadlay xoojinta Xirirka Labada Dal

china

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Guleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labbada dal ee dhinacyada Waxbarashadda, Dhaqaallaha, Arrimaha Bani’aadminimadda Iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda Cudurka Covid-19.

Dawladda Shiinaha ayaa ka mid ah Dawladdaha Saaxiibka dhow la ah Dawladda Somaliya iyagoo marwalba iska kaashada Arrimaha u dhexeeya ee muhiimka u ah xidhiidhadda labadda Dal.

Maalmo ka hor bay ahayd markii Safiirka Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti muqdisho soo gaaray isagoo sheegay inay xoojinayaan xirirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.