Soomaaliya Soomaalidu ma leedahay? W/Q Dhiblaawe

calan

Waa su,aal u bahaan in qof walba oo Soomaali ah  isweydiiyo waqtigaan la joogo marka la qaymeeyo sideedii bilood ee la soo dhaafay waxa ka dhacay dalka,laga soo bilaabo maalintii xaliima yarey baarlamaanka horkeentay doorasho hal qof iyo hal cod ah,haddaba maxaa dhacay ilaa maalinkaas;-

1-kadib markii go,aankaas uu saxiixay madaxweynaha dalka oo ahayd sida ugu wanaagsan oo dadka Soomaliyeed awooda loogu celin karo,shacbiga  Soomaaliyeedna, baarlamaana ay doorteen, kaas oo dooran lahaa madaxweyne laysla ogol yahay, dad baa diidey iigu muuqda kuwo loo adeegsanayey in la dhibaateeyo Soomaaliya.

2-Waxaa nala ku riixay doorsho dadban oo horey laga gaaray go,aan in aan dalku ku laaban.

3-Sidii doorasho dadban loo aadilahaa waxaa la go,aamiyey 17kii Sebteembar.

4-su,aalihii ka yimid waxaa loo saaray gudi maslaayey dhinacyadii hawshaas quseysay,wayna xaliyeen si laysla wada ogolaaday.

5-Intaas oo jeer go,aanadaas waxaa markii meel laysku raacaba ciladeynaayey kooxda Burburqaran oo laba maamul gobaleed fariintooda u dhiibaayey,fariintaas oo shisheeye dan kale wata ka imaaneysay daahna ma saarna.

6-Dawladaha maanta oo 14/04/21 soo saarey go,aanka ah Soomaaliya aqoonsiga iyo caawinaada waa kala noqoneynaa,Soomaaliya ma amaano ayyaga loo hayey baa mise dadka Soomaaliyeed baa leh waa sababta aan qormadeyda cinwaanka uga dhigtaye?

7-Wakiilada dawladaha go,aankaan soo saarey misaa jeer bay iskaga dabanoqanayeen Kismaanyo iyo Garoowe,maxay u dhaafi waayeen doorasho wadar ogol ah baa la rabaa oo dhinicii sideed bilood doorashdu ka socon weydey eedeyn iyo cadaadis u saari waayeeyn?

8-Xaggee dunida looga dhaqmaa wadar ogol,aaway dhimoqaraadhiyadii Reer Galbeedka ay dadka u sheegi jireen inta badan ha loo hogaansamo oo ha la raaco.

9-Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha waxaa ka duway kuwa dadlka reer galbeedka sida ay u shaqeeyaan ileyn wax ka duwan Soomaaliya kama dhicine?

10-Macaawinada la siiyo dalalka soo koraaya ma shuruud baa lagu xiraa in wax loogu dhimo madaxbanaanida dalalka la kaalmeeyo?

11-Aqoosiga Soomaaliya lagala noqonaayo waa noocee sow tii 1960kii xoroodey?

Waxaa soo Soomaalidu tiraahdaa (DOQNTA USHA AGTEEDA KU DHUFO HADAY GARAN WEYDO LA DHAC)!!! 

Nimanku waa kuwii 1884kii Soomaaliweyn u qaybiyey shanta isma lahayn labaa israacaysa oo raadineysa Soomaaliweyn,way dhacday waxayna u muuqdeen in ay Soomaali isu keeni karaan,Afrikana hoggaamkin karaan,waana sababta keentay burburkii 1991kii.

Soomaaliya waxaa bohoshii labaad lagu ridey shirkii Imbegaati markii Koofurta Soomaaliya loo qaybiyey Lix maamul oo lix madaxwena leh iyo mid waqooyi ah.

Hordayoow ka toos dhaarta Reer Galbeedku waa meeshii ugu danbeysay ee nala ku dayaayo in aan diidno go,aanka baarlamaanka iyo madaxweynaha,waxaana ku xigta isma xukumi karaan ee dawladaha deriska ah ha la kala raaciyo,waayo waxaa la arkay in awoodii Soomaaliya Ciidan ahaan iyo maamul ahaanba soo noolaaneyso oo aan weli qableenahay.

Fadlan aan ka jawaabno oo mid ayyan fileyn ha naga timaado in kasta oo karoonefaaris jiro banaanbaxyo waaweyn ha la sameeyo,kuwa cadwga u shaqeeyaa way horistaagi doonaan meelaha qaar,laakiin waa in ay dhacaan haddii xataa dad ku dhimanaayo,haddii kale Soomaaliya waxay martay Halkii ay martay Jeslafaakiya.

Wabilaahi Towfiiq fadlan sheergaree.

Dhiblaawe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.