Sawiro:Safiirka Shiinaha iyo wasiiro ka tirsan dowlada oo qaatay Talaalka Coronaha

shiine

Safiirka Shiinaha, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta u daahfuray, isla markaana qaatay tallaalka nuuciisa labaad ee loo yaqaano  Cinovac, kaasi oo ay ku deeqday dowladda Shiinaha.

Mawaadiniinta u dhashay Shiinaha, oo ku Nool Soomaaliya ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee talaalkaan lagu daah furay, ayada oo ay qaateen Safiirka  Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Shaqaalaha Safaarada, ilaalada iyo Muwaadiniinta kale ee Shiinaha ee ku nool Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha, ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Tallaalkaan maanta la daah furay si loo yareeyo khatarta Covid-19, waxa uuna sheegay safiirka inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Shiinaha ay ugu diiqayaan Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya, Dr Axmed Xuseen Macalin, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii qaadatay talaalkaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaatay tallaalka looga hortagyo cudurkaan halista badan ayna u bilaabeen Bulshada ka masuuliyada haan si loo wada qaato.

Agaasimaha isbitaalka Martiini Dr Cabdirasaak Yuusuf Jalaaludiin, ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha, garab istaagooda dadka Soomaaliyeed waxuuna sheegay in si waafi ah ay dadka Soomaaliyeed tallaalkaan u gaarsiin doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.