Dhageyo:Taliska Ciidanka Dhulka ayaa ka warbixiyay howlgalo lagu baacsanayo Shabaab

dhoore

General  Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Ciidanka dhulka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaaladii Ciidamada xoogga dalka beryahaan ay ka wadeen qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ay guulo ka gareen.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al-Shabaab, ku jabiyeen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degaanka Labi dulle ee gobalka Galgaduud.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21-aad ayaa la wareegay farriisimo horleh oo kooxdaha Khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaano dhanka Koofur kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.