Madaxwaynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa gudoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Doorashooyinka kaas oo Maalintii labaad ka socda xarunta ciidaanka Cirka Soomaaliya ee Afisyoone.
Madaxwaynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay Saxaafada soo gasho goobta shirka ka socdo lama garayo sababta ay ku diideen in saxaafada Muqaalo ka duubto iyaga oo shirka fadhiya,
Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa cadaadis xoogan uu uga imaanayaa Beesha Caalamka oo dooneysa in Madaxda Soomaalida ay heshiis rasmi ah ka gaaraan doorashada iyadoo la fulinaayo heshiiskii 17 Sebtember iyo kii Baydhabo.
Leave a Reply