Wasaaradda Qorsheynta ayaa soo bandhigtay daraasad ku saabsan saameynta Coronaha

jamaal

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa guddoomiyay madasha lagu soo badhigay daraasadan oo foogaan aragta ( Internet-ka) ah, iyada oo ay qeyb galeen Agaasimaha Qorsheynta Mudane Muuse Maxamed Cusmaan, Xubna ka kala socda Wasaaradaha dowlada federaalka, Mas’uuliyin ka socday hay’adaha Beesha caalamka iyo Dowladda Jabaan oo taageertay dhaqaalaha daraasadan laga sameeyay wadankeenna.

Warbxintan wasaaraddu ay soo bandhigtay ayaa qeexaysa saameynta uu u gestay dhaqaalaha Coronaha sannadkan 2021 iyo sannadkii hore ee 2020 dhincyada kala ah Gnaaciga kala duwan sida suuqyada, garoomada oonla xiray, dhoofinta xoolaha iyo ilaha dhaqaalaha bulshada muhiimka u ah.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay warbaahinta markuu dhamaaday shirka ayaa sharxaad ka bixiyay meelaha uu dhaawaca u geystay Coronaha.

“Qiimeynta waxaan fiirinay dhibaatada uu u gestay dhaqaalaha waa ogtahay waad ogtahay in sannadkii hore in bishii saddexaad dowlada ay qaadday talaabooyin lagu xakameynayo Covid-19 oo la xiray goobaha Waxbarashada, Garoomada iyo wax walbo oo istaagay sida xoolihii la dhoofin jiray xajka ay istaageen, dad badan oo ganacsata ahna ay sameeyn ku yeeshay, waxa ayna ahayd xaalad aduunka oo dhan nala qabeen, dhaqaalaha markaa fiirisd dhinac walbo waa uu saameyay marka laga fiirayo dhinaca GDP saddex boqal oo milyan dolla ayuu dhaawac u geystay wadanka, ayuu yari Wasiir Jamaal Maxmed Xassan.

Sidoo kale Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa uu hoosta ka xarriiqay in uu saameyn weyn u geystay Korona-farayska kaalmada caalamiga ah, ka wasaarada ahaan waxaa inaa qorsheysanaa fulinta Qarshaha Horunarinta Qaranka Sanadku hore ee 2020 waxyaabo badan aan jecalayn inay noo qabsoomaan oo ay istaageen, marka inaan dib u qorsheyno ayaan bilownay ayuu raaciyey wasiirka hadalkiisa.

Daraasadan ayaa laga sameeyay 20 qeybood oo dhinacyada bulshada ah tasoo tuseysa sida Covid-19 dhaqaalaha bulshada uu dhabar jarabiyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.