Sawiro:Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan Xalane kula yeeshay Wakiilada Beesha Calaamka

deni

Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe iyo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.

Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka Dowlada iyo Maamul gobeelyada kaas oo la filayo inuu bari ka dhaco xerada Ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.