20 kamid ah argagaxisada Alshabaab oo lagu dilay Shabeelooyinka

diyarad

25 kamid ah maleeshiyaadka argagaxisada ah ayaa la dilay halka 15 kale dhaawac soo gaaray ka dib duqeyn  lala beegsaday saldhig argagaxisada ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobolada shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha xoogga dalka.

Sareeyo guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay SNARADIO ayaa sheegay in howlgal saacado qaatay lagu dilay horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa degaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo argagaxisada ku dhuumaaleysan jireen.

Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howlgaladan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.