Dhageyso:Ismaciil cumar geele oo ka hadlay waxa ku kalifay inuu taageero Kenya

Ismaciil

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca Dowlada federaalka Somaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay edeynta soomaaliya usoo jeedisay waxuuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna sheegay Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yiri.

waxuu intaas ku daray Madaxwaynaha Jabuuti Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrininba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeed baa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa ayaa ku qoran, waxa loo buunbuuniyay ee loo qeyliyay annagu ma garaneyno.”

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii Jabuuti.

“Waan iska diiday inaan jawaab iyo waxba ka bixinin arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu keenayaa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

hoos ka daawo warysigii BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.