Madaxwayne Mustafe Cagjar oo qaabilay Guuleed ibraahim iyo hooyo Deeqa

guuleed

Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha Madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Magaalada Jigjiga,ayaa madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar ku qaabilay Guuleed ibraahim iyo hooyadii Deeqa.

Guuleed oo ah wiill 20 jir ah oo bajaajle ah ayaa maalintii sabtida ahayd ee aan soo dhaafnay qabsaday baraha bulshada, kadib markii uu lacag dhan 300,000 birr oo u dhiganta 6000$, dib ugu soo celiyay hooyo Soomaaliyeed oo lacagtaas bajaajtiisa kaga dhex tagtay, taas oo shacabka Deegaanka Soomaalida, iyo kuwo kale oo ku nool daafaha caalamkuba ay si wayn u bogaadiyeen.

Madaxwaynaha oo munaasabadaas ka hadlayay ayaa ugu horayn bogaadiyay ficilka haboon ee Guuleed, sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhu u mahad celiyay Guuleed hooyadiis, hooyo Deeqa oo uu sheegay in ay akhlaaq suuban ku soo korisay, taas oo tusaale u noqonaysa ayuu yiri waalidiinta kale.

Gabogabadii ayuu madaxwaynuhu sheegay in ay DDS, ka caawinayso Guuleed inuu uu sii wato waxbarashadiisa iyo dawladu u samayn doonto shaqo abuur Guuleed Ibraahim, oo markii uu dugsiga sare dhameeyay helay jaamacad gaar ahaan qaybta injineeriyada, ayaa jaamacada sii wadan Kariwaayay duruufo xaga dhaqaalaha ah awgeed, guuleed ayaa ah wiil agoon ah oo 7 caruur ah La Dhashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.