Ilhaan Cumar oo ku baaqday in cunaqabateen la saaro dhaxal sugaha Sacuudiga

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu amray dilka wariye Jamaal Khaashuqji.

Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in uu dhaxal sugaha Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khaashuggi.

Habka loo dilay wariyahan ayaa caro iyo canbareeyn ka dhaliyay Caalamka, taasi oo keentay baaritaan dheraad ah lagu sameeyo ciddii ka dambeeysay dilkiisa.

Wariye Jamaal Khaashuggi ayaa 2dii  bishii oktoobar, 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.