Sawiro:Allaha u naxariistee Ugaas Xasan oo lagu aasay duleedka Halgan

Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Daaro Ugaas oo ku yaala duleedka deegaanka Halgan oo ka tirsan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku aasan yihiin 19 Ugaas oo Ugaas Xasan ka horeysay.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay salaadiin ka kala tagtay gobolada dalka iyo qeybaha bulshada Beladweyne, waxaana salaadda Janaasanada lagula tukaday marxuumka Garonka Laqanyo, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xilibaanno ka tirsan labada aqal ee dowladda iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Qeybaha bulshada ee ka qeyb galay aaska Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa ahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.