Guddoomiye Mursal oo hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud ahaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hogaankooda u rajeeyay horumar kan kasii balaaran.

Sidoo kale Wasiirka Caddaalada XFS Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur  ayaa isna hambalyo ku saabsan sanad guurada 51 aad aas aaskooda u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.