Soomaaliyeey Layskuma Jiro Waa la kala Baxay!!!

mucaarad

Qoraxi wax sacab lagu qarin karo ka weyn runta iyo beentuna ma tarttami karaan, Alle HUN abwaan Cabdulqaadir Xirsi (YAMYAM) gabay uu tiriyey oo uu kula hadlaayey kuwii aaday Mingeste Haylemaryam ee yiri Soomaaliya waa cad Itoobiya ka maqan waana ku soo darayaa,oo ahayd sababtii dhalisay dagaalkii 1977kii oo Maxamed Siyaad barre iyo shacbiga Soomaalidaba ka  careysiisay tix ka mid ahayd baa waxay ahayd (BOOGTAYADA KAN DHAYAYAA MA BAXSADAHA WEEYAAN) oo uu ulajeeday ninka wax dhaliilaya ee dalka jooga ayaa danaha ka shaqaynaya ee maaha kan Mingeste aaday.

Toban iyo dhawr sano ka hor waxaan akhriyey shir saddexgeesood ahaa oo qubaro Yuud ,Sucaudiga iyo Ameerikaan ku dhex maray Newyoork,waxaa lagu falanqeeyey Soomaalida,go,aankoodii wuxuu ahaa inta afka Soomaaliga ku haddasha ha lagu daro Itoobiya,ka soo kac dhawr maaalin ka hor waxaan akhriyey warbixin uu Soomaalida kula hadlaayey Wariye Masaariya oo runtii ay ka muuqatay in uu aad uga damqanaayo dhagarta iyo qiyaanada loo maleegay Ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah kana mid shuucuubta Carbeed, hadana ah dad qur,aanka aad u xafida.Warbixintiisa wuxuu ku soo bandhigay sida Soomaali loo qaribay iyo maabkii oo todoba dawladood loo qaybiyey,waa arin xaqiiqa oo aan isha ka daawanayno, dadna waaba ku qanacsan yihiin,Soomaalilaanhdi,Puntilaanhdi,Jubalaandhi,Hirshabeelle Galmudug,Koofurgalbeed iyo gobolka banaadkir,dad badan baa arintaas ka hadla aniguna kama aamuso har iyo habayn.ileyn waa haddaan naloo qoday oo aan afka iskaga shubnaye,ujeedada wariyihi ifiyey waa in ugu danbayn nala ku kala daro Keenya iyo Itoobiya,beesha caalamka oo kharash badan ku bixisay in aan wax noqono markaan daashay oo noo aragto kuwo aan la sii caawini Karin oo ayagu lugaha is jiidaaya.

Waxaan mareynaa meeshii u danbeysay.hadaanta qarkeedii baanu taagan nahay,waxaa nala ka dhex heley jaajuusiin qaa,inu wadaniyiin ah oo sheegatay siyaasiyiin iyo kuwo qaybo muhiim ah oo dalka ah gacantooda ku jiro, balo lama qariyo waa Deni,Madoobe iyo kooxda Hoteel Jasiira,Tusaale bal ila eega arimahaan.

1-Waxay diideen hawadii Keenya laga maamuli jirey ee dalka lagu soo celiyey.

2-waxay diideen deyn cafintii.

3-Waxay ku taageereen dhibaatada Keenya ku hayso Jubalaandhi,idinka oo indhahiina ku arkaayey haween iyo dhalinyaro taangiyaal dhagax kula diriraaya B/Xaawo dhexdeeda.

4-Waxay Kooxdaan hor istaageen Soo saaristii shidaalka Soomaaliya.

5-waxay diideen dhismaha ciidamada XDS oo aad wada maqleyseen in Turkiga warqada u qoreen in uu joojiyo dhsimaha ciidamada Soomaaliya.

6-waxay dacaayado ka sameeyaan dib u dhiska dalka xaafisyada iyo meelihii taariikhiga ahaa (,dad baa baahane maxaa loo dhisaa) waa kuwii lahaa.

7-Waxay horistaageen dalka in doorasho ka dhacdo,ayyaga oo inta wax magaratada ah iyo kuwo macoodaa u sheega in dawladu dhibka wado ,qofkii dalka iyo dadka iyo diinta raba asagaa goob jog ah oo wax sheeg uma baahna,

8-Ugu denbayn waxay abaabulayaan intaas oo dhan waxay uga golahayeen,oo labadii sano ee la soo dhaafay ay ku hawlanaayeen,una suuroobi weydey,waa kicin dadweyne dagaal ka dhaca Xamar Cadde ,Hooyada Ummadda  Soomaaliyeed.

9-Waxay ku dhiirigeliyaa Ciidamada qalbka sida in ay kala tagaan oo qabaailada kala raacaan amar diidana sameeyaan.

10-Waxay noo sheegaan Saamileeyda siyaasada in ay yihiin iyo musharaxiinta midoobay,misaa musharax madaxweyne baan ka tirsanayn danleyda is urursatay?Saamileyda siyaasada waa kuwama? Anigu saamilaha siyaasada waxaan u aqaan qofka Soomaaligaa ee xaqa u leh in uu doorto qofka uu rabo,Saw ayyagu nooma diidin waa yaaba?

Aan isweydiinee maxay xukumayaan haddii ciidamada qalabka sida qabiilada kala raacaan sidii 1991kii,dawlad ay xukumaan ma raadinmaayaan ee dan ay shisheeye kharash uga soo qaateen bay fulinayaan.

Aan soo gunaanado wax qarsoon ma jiraan dhalinyarada mustaqbalka leh,culumada Alle ka cabsanaaya ee xambaarsan diinta ururada bulshada, laba baa hortaala maanta haadaanta aad qarka ka taagan tihiin idinka iyo caruurtiina dalaq ku siiya oo rabshado iyo dagaal ka rida  Xamar ama nimanka Hoteelka Jasiira idiin fadhiyaan ee gunada ka qaata  Imaaraadka iyo  Keenya ku dareera oo ayyaga ku mudaaharaada oo ku jajabiya hoteelka laftiisa, tusaale haw naqato in aan qaa,inuwadan danbe hotel laga kireyn.

Duli iyo gumeysi iyo dalka oo aan xoreysano aan kala doorano, ogaada dawlada maanta shaqeyneysa wado sax ah bay ku joogtaa cadawguna rabo kan diidan waa Keenya iyo Imaaraad

Wabilaahi Towfiiq,

Dhiblaawe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.