Daawo:120 Dhalinayaro ah oo Isxilqaan ku dhisaaya Saldhiga Boliiska Caabudwaaq

cwboliis

120 Dhallinyarada degmadda Caabudwaaq ayaa si isxilqaan ah waxaa ay maantay ubilaabeen in ay darbi ku wareejiyeen qeyb kamid ah saldhigga degmadda oo aan horey ulahayn wax xeendaab ah iyadoo Saldhiggu kamid yahay goobaha loogu adeego bulshada.

Dhallinyaradaan oo dhaqaale iska soo aruurshey kana damqadey deyr la’aanta saldhigga ayaa munaasabaddii ay ku dhagax dhigayeen darbiga waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin katirsan maamulka Caabudwaaq,Taliyaasha iyo Ciidamada Booliiska degmadda,Dhallinyarada iyo marti sharaf kale.

Saldhigga Booliiska degmadda Caabudwaaq oo aan horey ulahayn xeendaab ku wareegsan ayaa qeybta ay dhisayso dhallinyarada waxaa uu qeyb ka qaadan doonaa bilicda saldhigga waxaana dhammaan Taliska iyo Ciidanku ay rajaynayaan inta dhiman in ay dhisi doonaan Qurba joogta iyo ganacsatada degmadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.