Sawiro:Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arimaha xuduuda kenya iyo soomaaliya

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa shalay gelinkii dambe oo Khamiis ahayd kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerka iskuduwid oo dhinac kastaba leh iyo hore u dhaqaajintiisa si salballaaran iyadoo la taabagelinayo isfahannada iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Intii kulanku socday ayaa waxaa labada wasiir ay isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka ka taaggan sida dacwada Soomaaliya ka gudbisay kenya ee la xariira maleeshiyaadka ay ku toobabarto Magaalada Mandera Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.